4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Guddoomiye Jawaari oo beeniyay in uu is casilayo

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in uu doonaayo in uu iscasilo, xilli saacaddihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen wararkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska gudoomiye Jawaari oo uu ku saxiixnaa Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas been abuurka ah oo saacadihii la soo dhaafay hareeyay baraha bulshada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]