Soomaaliya oo soo ceshatay xuquuqda codeynta ee Urur caalami ah
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo
Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah
(ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires,
kaddib markii wasaaraddu ku guuleysatay in ay dib u soo ceshato xubinnimada
buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta
qaaraanka sanadlaha ah.
Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2
milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay wasaaraddu si
kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.
Hasse ahaatee dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u
dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1
milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo
lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay
Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.
Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU
ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay
wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay
in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn
lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni
gooni ah u maalgashan karin.
“Sharaf bay inoo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da.
Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay
nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa
Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo
internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay in ay qaaraankaas bixiso, iyadoo
nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]