Spain oo waqti kama dambays ah u qabatay hogaamiya Catalonia
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ra;iisal wasaaraha dalka Spain Mariano
Rajoy ayaa u qabtay muddo shan maamood gudahooda in uu hogaamiyaha Catalonia ku
kala caddeeyo in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale.
Haddii hogaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont uu xaqiijiyo ilaa isniinta in
uu ku dhawaaqay madaxbanaani ayaa waxa hadana la siinayaa muddo seddex maalmood
ah oo uu kaga noqdo shaacin arrintan.
Haddii hogaamiyaha Catalonia uu ku guuldaraysto arintaasi ayaa waxa ay
xukuumadda,Madrid laali doontaa qodobka 155 ee dastuurka taasi oo fursad u
siinaysa in ay hakiso ismaamul hoosaadka gobolka Catalonia waxaana toos u
maamulaysa dowladda dhexe.
Hogaamiyaha Catalonia ayaa Talaadadii saxiixay ku dhawaaqida madaxbanaanida
gobolkaasi Catalonia.
Balse maamulka dowlada Catalonia waxay hakiyeen dhaqangalinta madaxbanaanida
si fursad loo siiyo wadahadal ay la galaan xukuumadda Madrid.
Tan iyo intii la qabtay aftida gobolka Catalonia ayaa waxaa dalka Spain ka
taagnaa jahwareer siyaasadeed.
Maxkamada dastuuriga ee dalka Spain ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay
aftida.
Sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Catalonia boqolkiiba 90 ka mid ah
dadkii codadkooda dhiibtay waxay taageereen aftida madaxbanaanida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]