4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2017
Ardeyda deegaanada Jubaland oo u fariistay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiga sare


Sabti, May, 20, 2017 (HOL) –Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan ayaa maanta magalaada Kismaayo ka daahfuray imtixaanaadka ugu danbeeya ee shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, ayadoo imtixnaadku ay maannta si rasmi ah uga biloowdeen inta badan gobollada dalka.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta u fariistay imtixaanaadka arday gaareeysa ilaa 300 kuwaa oo ka kala yimid dugsiyada waxbarasho ee ku yaal magaalada.

Sidoo kale degmooyinka  kale ee Jubaland ee ay ka arimiso dowlad goboleedka Jubaland ay maanta ardaydu u fariisteen imtixaanaadka.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii furitaanka Imtixaanka ayaa ku booriyay ardayda in ay dadaalaan oo ay waxbarashadooda sii wataan, isagoo sheegay in dhalinyaradu yihin rajada dalka, loona baahanyahay in ay masuuliyad iska saaraan dalkooda.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daahfuray Imtixaanaadka dalka, ayadoo raysul wasaaruhu sheegay in sanadkan ay imtixaanaadka shahaadiga ah ay u fariisanayaan arday ka badan 27,000.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.