4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wasiir waxbarashada oo kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga


Sabti, May, 20, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka wasaarrada waxbarashada, hidaha iyo tacalinta sare C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka ee Qaranka ee Shahaadiga dugsiyada sare.

Wasaaradda waxbarashadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqaysay ama hirgalisay qaadista imtixanka dugsiga sare ee sanadka dugsiyaadka 2016-2017, waxaana imtixaanka uu ka dhacaya 77 xarumood oo ku kala yaala gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo dugsiga 15 May ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqday ayaa bogaadiyay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayay in ay ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.

Wasiirka waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankan.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya , oo la hadlay ardayga galisa imxitaanka ayaa xusay in ay ardaydani ay tusaale u yihiin in dalku leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed u tahay horumarka dalka.

“Maanta waa maalin ahmiyad weyn leh runtii in 23 kun oo ardey ah u fariistaan imtixaanka dugsiga sare, waa tilmaan muujineysa in dalkeenu uu leeyahay rajo wanaagsan,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar Beledweyne, Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]