BELEDWEYNE: Askari fashilay qorshe saraakiil lagu khaarajin lahaa ay kula ballameen Al- shabaab Video
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)
– Askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa
soo bandhigay Walxaha qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab kula ballaameen in lagu
dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM.
Askarigan oo lagu
magacaabo Maxamed Cali Axmed oo
warbaahinta faah faahin ka siiyay sheekada ku saabsan xiriirka dhaxmaray isaga
iyo saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in ay kula
ballaameen in walxaha qarxa u geeyo xerada Lama-galaay oo saldhiga u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21aad oo ah xero siweyn amnigeeda loo ilaaliyo.
‘’Wax yaabaha ay i
weydiiyeen waxaa ka mid ahaa in aan awood u leeyahay tagista xarumaha waaweyn ee
ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxaan u sheegay in xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidda
Jabuuti iyo Itoobiya intaba aan tagi karo, intaa kaddib qofkii talleefoonka igula hadlayay ayaa igu yiri qofka aan
u baahannahay ayaa tahay, howl in aad noo qabato ayaan rabnaa wax kasta oo aad
u baahantahayna waan ku sameyneynaa’’ ayuu sheegay askariga
Waxaa uu intaa ku
daray‘’Markii arintan ay soo shaacbaxday waxaan la socodsiiyay qaar ka mid ah
saraakiisha ciidamada iyo kuwa AMISOM, talleefoon ayaan kula hadalnay
sarkaalkii ka tirsanaa Al-shabaab ee arintan xiriirka igala soo sameeyay, waxaa
uu igu yiri in 50 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhintaan qaraxan
waxaa nooga qiimo badan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ama kuwa
AMISOM, magacyo ayuu ii qoray oo
ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col Xassan
Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee
gobolka Hiiraan‘’ ayuu yiri askarigan.
Waxaa uu intaa ku
darray in ay ku ballameen deegaanka Gabarlaawe oo 3km dulleedka Koonfureed ka
xiga magaalada Beledweyne, kaddib markii
ay ka biyo diideen sida uu hadalka u dhigay in ay gudaha u soo gallaan
magaalada.
‘’Markii ay
diideen in ay gudaha u soo gallaan magaalada waxaan diyaarsaday ciidamo
qarsoodi ah oo gacanta ku dhiga ragga qaraxa waday, hasse ahaatee markii aan ku
dhawaaday oo ay ka war helleen in ciidamo ila socdaan walxaha qaraxa ayeey goobta dhigeen waana ay baxsadeen is
rasaaseyn ayaana dhaxmartay iyaga iyo ciidamada’’ ayuu yiri askarigan.
Taliyaha
ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Jen. Towane Axmed Gurey oo ka mid
ahaa saraakiishii loogu talagalay in qaraxan lagu dilo ayaa abaalmarin lacageed
guddoonsiiyay askarigan fashiliyay qorshaha Al-shabaab waxaana uu intaa ku
darray in la dalacsiin doono.
Waa markii ugu
horeysay oo askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee gobolka Hiiraan
uu la wadaago saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM qorshe ay damacsanaayeen
Al-shabaab oo isaga loo sii mari lahaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]