4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2017
Dowladda Zambia oo ciidamo Boolis ah usoo dirtay Soomaaliya

 
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Madaxda howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ayaa xaqiijiyay jimcihii shalay in Dowladda Zambia ciidamo Boolis ah ay u soo dirtay dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka AMISOM.

War-saxaafadeed AMISOM kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Afar sarkaal oo ka socda Boliska dowladda Zambia in ay qeyb ka ahaayeen 22 askari oo cusub oo shalay yimid magaalladda Muqdishu.

Saraakiisha Booliska dalka Zambia, ayaa waxaa ay bixin doonaan tababaro la siin doono ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, si ay amniga u xaqiijiyaan.

“Zambia waxaa ay dalka Soomaaliya usoo daadgureysay ciidamo Police ah markeedii ugu horeyay, inkastoo horay Soomaaliya ay uga joogeen ciidamo Military ah”, sidaasi waxaa lagu yiri qeyb kamid ah War-Saxaafadeedka kasoo baxay AMSIOM.

Saraakiisha Zambia, ayaa waxaa ay tababaro gaar ah ay siin donaan ciidamada (Somali local Police Forces), si ay ula wareegaan mas’uuliyada amaanka, waxaana nooca tababarkooda uu noqonayaa (Law and Order). 
22,000 oo Askari oo ka kala yimid; Burundi, Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda, ayaa hadda Soomaaliya jooga waxaana ay ku howlgalayaan magaca AMISOM.

AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa dagaal xooggan kula jira Al Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia