4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2017
Qoys ka kooban 11 qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Afgaanistan


Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- 11 qof oo ka kooban hal qoys ayaa ku dhintay Qarax miino oo jimcihii shalay ka dhacay wadanka Afgaanistan.

Qoyska geeryooday ayaa waxaa uu ka koobnaa 5 haween ah, shan carruur ah iyo hal qof oo rag ah kaas oo ahaa darawalkii gaariga, sida Boliska ay sheegeen.

Qaraxa ayaa ahaa miino waddada lagu aasay waxaana xiligii Qaraxa uu qabsanayay qoyska ay marayeen gobolka Loga oo koonfur kaga beegan magaalladda Kabul ee caasimada dalkaasi.

“Bomka waxaa uu qabsaday gaari Toyota ah oo ay saarnaayeen. Qoyska waxaa ay u socdeen xaflad doonasha ah”, sidaasi waxaa yiri Maxamed Xalim oo ah Guddoomiyaha Gobolka ay mashaqada ay ka dhacday.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxa balse, dowladda ayaa ku eedeyneysa in ay ka dambeyaan kooxda Taalibaan oo hadda dagaal kula jirta dowladda Afgaanistan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia