4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2017
Imtixaanka Mideysan ee Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017 oo maanta loo fariistay

 
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- 23-kun oo arday ah ayaa maanta u fariisatay Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.

Ardayda maanta u fariistay imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Ammaanka goobaha ay imtixaanaadka ka socdaan ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka ku dhow-dhow xaruumaha ay ku jiraan ardayda.

“Tirada guud ee ardayda imtixaanaadka u fariisanaya waxaa ay gaarayaan 23-kun, waxaana ay ku kalasuganyihiin gobolka Banaadir iyo afar dowlad-goboleed”, sidaasi waxaa sheegtay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo khamiistii yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxyaabihii ay kaga hadleen waxaa kamid ahaa Arrimaha ku saabsan Imtixaanada Dugisyada Sare.

Wasiirka Waxbarashada ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirada imtixaanka Dugsiyada Sare oo maanta ka bilowday 77-dda xarumood ee Dowlad Goboleedyada GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo caasimada Muqdisho.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia