4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Rasaas xoogleh oo fiidkii caawa ka dhacday magaalada Laascaanood iyo dad badan oo la xidhxidhay

Jimco, May 19, 2017 (HOL)Hawlgal ay wadeen ciidanka Booliska oo ay ku soo qabqabnayeen odayaal ka soo jeeda laba beelood oo caloaad xooglihi ku dhexmartay Koonfurta Gobolka Sool sanado badana soo noqnoqtay ayaa waxaa ka horyimi dabley difaacaysa odayaashaas.

Rasaas xoogleh ayaa ka dhacaysey koonfurta magaalada Laascaanood, iyadoo ay qayb ka noqdeen soo afjarideeda ciidanka milateriga oo soo galay xili ay booliska ku adkaatay inay dableydaa iska hordhaqaajiyaan.

Magaalada daafaheeda ayaa laga maqlayey saqarta qoryaha baabuurta Saaran, iyadoo aan ilaa hada la ogayn qasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhacay.

Goobjooge ku sugnaa suuq goobtaas ku dhow ayaa HOL u sheegay in ay adagtahay sidii wax looga ogaan lahaa maadaama aysan jirin wax isu socod ah, wadaayinkaba waxaa ku sugan ciidamo.

Isbitaalada magaalada Laascaanood ayaan noo sheegin wax dhibana ah oo la soo gaadhsiiyey rasaastan ka dib.

Majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta hawshani qusayso, dadaal badan oo aan ku samaynay inaan arintaas wax ka ogaanana waa uu soortoobi waayey aan ka ahayn Saldhigyada magaalada oo ay ka buuxaan dad labadaas beelood ka soo jeeda oo lagu eedaynaayo inay ka dhega adaygeen wadaxaajood colaada lagu soo afjaro.

Wixii ka soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool