4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Soomaaliland oo ka hadashay wada hadalladii ay la lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya

 

Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in dib loo bilaabo wada hadaladii ay la lahaayeen Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay BBC ayaa ayaa sheegay in ay rajeynayaan in dib loo bilaabo wada hadaladii ay la lahaayeen Soomaaliya, oo hakad galay.

‘’Wadda hadalladan muddo dheer ayeey soo socdeen , tiro ku dhawaad todobo jeer ayaan kulan yeellanay, dhamaan wax ka soo baxay kulamadaas ma jiraan, waxaan rajeyneynaa in wada hadalladaas dib u bilaabmaan, madaxweyne Farmaajo waxaa uu yiri waxaan diyaar u ahey in wada hadalada dib loo bilaabo, waana soo dhaweyneynaa’’ ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in wada hadalada marka ay bilowdaan kadib in ay rajeynayaan wax wanaagsan in ay ka soo baxaan.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]