4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Xarunta madaxtooyada Soomaaliland oo xalay lagu ururiyay lacag dhan saddex milyan oo doolar


Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Xarunta madaxtooyadda Soomaaliland waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu ururinayo qaaraan lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha, madaxda xisbiyadda iyo goleyaasha qaranka, ganacsatadda iyo guddidda loo magacaabay taakuleynta dadkii abaaraha ka soo doogsaday.

Ganacsatadii, siyaasiyiintii iyo dadweyne kale oo xaga talefoonka kaga qaybqaadanayey ayaa ku yaboobay inay bixinyaan lacag faro badan,w axaana xallay xarunta madaxtooyadda lagu ururiyey lacag dhan saddex milayn iyo boqol kun oo doolar in ka badan.

Madaxweynaha Somaliland oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa farrin qaadhan uruurin ah u diray bulshada munaasibada isugu timi, waxaanu khudbadiisa kaga hadlay madaxweynuhu muhiimada ay leedahay in laysku tiirsado, wax lays taro iyo in loo gurmado dadkeena abaaruhu ku aafeeyeen.

Munaasibada qaadhaan uruurinta oo toos looga daawanayey warbaahinta ayaa waxa ka soo qayb qaatay shacabka somaliland ee qurbaha ku sugan, iyaga oo liiska qoraalka iyo adeegyada kala duwan ee lacagaha lagu diro kaga soo qayb qaatay qaadhanka.

"milgo iyo maamuus weyn ayay ii tahay,in aan caawa idinku martiqaado munaasibaddan qaran ee ka dhacaysa qasriga Madaxtooyada. Daraasad hordhac ah oo la sameeyay waxa lagu xaqiijiyey in qiyaas ahaan boqolkiiba todobaatan xoolihii noolaa ay dhamaadeen, waxa makhraati ma doon ah in xoolaha nooli lafdhabarta dhaqaalaha dalkeena, maadama boqolkiiba sagaal iyo sodon ay ka yihiin dakhliga dalka (National GDP).”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu intaas ku daray “Markii ay dad badan ay xoolihii ka baxeen waxay dantu ku qasabtay inay ku xeroodaan magaalooyinka, shaki kuma jiro in nolosha magaaladu ay ku tiirsan tahay miyiga iyo reer guuraaga, sidaas darteed waa dhaawac iyo dhiig bax inagu yimi. inkasta oo uu roobkii inoo da'ay, qaylo dhaantii abaartana ka nasanay waxa dhaba inay ina dhaxal siisay dhibaato weyn oo u baahan gurmad deg-deg ah iyo qorshe aynu kaga soo kabanno tabaalihii abaarta.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dadkii abaartu ku dhuftay ee wakhtigii jiilaalka la caawinayay uu hada roobku yimid iyagoo xoolihii ka dhamaaday.

Madaxweynuhu suxuu sheegay in dadkii abaaruhu xoolaha ma madhiyeen loo baahan yahay in dib loo xooleeyo, waxaanu sheegay inuu guddi iskugu jirta noocyada kala duwan ee bulshada, culimo aw diin ganacsato, ururada bulshada rayidka ah, xisbiyada mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan xukuumada u magacaabay .

Guddidan waxaan u xilsaaray, qaadhaan ururinta ballaadhan oo ka bilaabanta dalka oo dhan maanta oo ay bishu tahay 18-ka May ilaa 26-ka June 2017.

Qaadhaan ururintani waxay socon doontaa muddada 45-ka cisho waxa lagu fulin doonaa mashaariic lagaga soo kabto abaaraha kuwaas oo ay kamid yihiin:-

1. In lagu celiyo dadkii ka barakacay deegaankoodii.

2. In loo iibiyo xoolo nool dadka caydhoobay gaar ahaan kuwa ugu jilicsan.

3. In la qodo ceelal biyood, iyo balliyo biyaha socda lagu qabto.

4. In la xidho seerayaal badan oo lagu baxsado xiliga jiilaalka.

5. In dadka aan awoodi karin laga caawiyo qodaalka beeraha xili roobaadkan.

“Anigoo ka damqanaya dareenka dadkayga, islamarkaana ka duulaya go'aankaa aan qaatay, waxaan xalay u yeedhay qayb ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka.

Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad celiyo shirkadaha dahabshiil group,Telesom Group, Somcable iyo berbera Oil Group (shirkadaha shiidaalka dalka keena),qaadhaankii iyo taageeradii weynayd ee ay ugu deeqeen dadka walaalahooda ah, sidoo kale waxaan ku bogaadinayaa ganacsatada qaranka, kaalinta iyo doorka ay kaga jiraan dib-u-dhiska dalka,adkaynta nabadgelyada, kobcinta dhaqaalaha iyo daryeelka bulshada.Dhinaca kale waxa dhammaan gobollada dalka laga bilaabay olole qaadhaan ururin ah, kaas oo muujinaya sida ay bulshada isugu tiirsan tahay islamarkaana isugu tashaday.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dhalinyaradii mutadawiciinta ahayd (Volunteers),ee hawlaha qaadhaan ururinta gobollada u dhabar adaygay.”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Qaadhaanka la ururinayo ayaa lagu qiyaasay in noqoto toban milyan oo dollar oo mashaariic kala duwan lagu filiyo si looga badbaado sanad walba abaaraha soo noq noqonaya.

Sidoo kale, wadamadda caalamka ayaa wadan walba loo qoondeeyey in lacag laga ururiyo, waxaana ugu badan wadanka UK oo loogu tallogalay inay qaadhaankoodu noqdo laba boqol oo kun dollar.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.