Al-shabaab oo baahiyay muuqaalka askari Kenyaan ah oo lagu qabtay weerarkii Ceelcadde sanadkii 2016ka
Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay
soo bandhigtay muuqaalka askari ka
tirsanaa ciidamada Kenya oo horaantii bishii Janaayo sanadkii 2016ka lagu qabtay
weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee
gobolka Gedo.
Alfred Danyi ayaa ka codsaday shacabka Kenya inay u midoobaan sidii looga
saari lahaa Al-Shabaab oo muddo sanad iyo bilooyin uu gacantooda ku jiro.
“Laga soo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku
jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ah kama helin
dowladeena, Ma aanan helin wax caawin ah, sidaas darteed waxaan shacabka Kenya
ka codsaneynaa in ay u midoobaan arinteena, una raadiyaan xal lagu soo afjarayo
Mushkiladda na heysata” ayuu yiri.
Weerarkii Ceelcadde ee sanadkii hore ayaa la sheegay in tiro ka badan 11
askari nolasha lagu qabtay, kuwaa oo gacanta u gallay xoogagga Al-shabaab.
Bishii Janaayo ee sanadkii 2016 ayay aheyd markii xoogag ka
tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen
Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasoo lagu dilay askar ka badan boqol.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]