4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Sawiro: Roobab lagu diirsaday oo xalay ka da’ay magaalladda Muqdisho

 
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa xalay ka da’ay magaallada Muqdishu.

Roobkii xoogganaa ayaa waxaa ay saaka biyo dhigeen waddooyinka waaweyn ee dhexmara magaalladda.

Qaar kamid ah waddooyinka ayaa xiran, waxaana laamiyada qaar ay yihiin kuwo ay buuxaan biyo fara badan. 
Dhinaca kale xeryaha ay ku jiraan dadka kasoo cararay abaaraha, ayaa waxaa sameyn xooggan ku reebay roobka, maadaama ay degan yihiin guryo ka sameysan cowshado.

“Xalay oo dhan ma aaney seexan anniga iyo carruurteeyda, roobkii bilowday ayaa nagu dul feeray, waxaan u adkeysan weynay Qabowga roobka”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegtay Hooyo Xaliimo oo kamid ah dadka ku nool xerada ay ku jiraan dadka abaaraha kasoo cararay ee ku nool degmadda Kaxda ee magaalladda Muqdishu.

Inta badan marka ay roobab ka da’aan Muqdishu iyo goboladda dalka ayaa waxaa saameynta ugu weyn ay ku yeeshaan dadka barakacyaasha iyo kuwa abaaraha iyo cudurada ay saameyeen.

Maamulka Gobolka Banaadir wali kama uusan hadlin xaaladda dadka ay sameynta ku yeesheen roobabkii xalay ka da’ay magaalladda caasimada ee Muqdishu.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia