4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2017
Xildhibaanno la baxay madasha horusocod oo sheegay in aysan mucaarad ku aheyn dowladda


Khamiis, May,18, 2017 (HOL)- Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibanno la baxay madasha Horusocod ayeey ku beeniyeen in ay yihiin xildhibaanno mucaarad ku ah dowladda.

Xildhibaannadan oo ku shiray hotelka Guest House ee magaalada Muqdisho , ayaa sheegay in ujeedada madasha iyo qorshuhu yahay in laga hortago qabyaaladda islamarkaana lagu joojiyo ,waxaana ay ku dareen in aysan iyaga ahayn dowlad dumis.

Madashan ayeey sheegeen in ay tahay madal ay leedahay ummadda Soomaaliyeed islamarkaana uu ka qeyb geli karo qofkasta oo Muwaaddin Soomaaliyeed ah.

C/rashiid Max’ed Xidig oo shir guddoominayay kulankaasi ay yeeshen xildhibaanada madasha horay u socod, ayaa waxaa uu sheegay in markasta muhiim ay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 loona gudbo nidaam Soomaalida oo dhan si isku mid ah wax ay ku qaybsanayaan.

Ilaa Bisha July ayey sheegeen in ay madashan furan tahay,waxaana ay ujeedadoodu ku sheegeen in laga gudbo qabyaaladda loona gudbo hannaanka Axsaabta,madashana loo dhisay in ay muujiso kaliya  dhaliilaha togan ee dowladda.

Xildhibaanadan ayaa maalmo ka hor Nairobi kaga dhawaaqay madashan cusub, taasi oo dareen galisay madaxda dowladda, maadaama xubnaha hormuudka u ah madashan qaarkood ay horay u waayeen xilal dowladeed oo ay u tartameen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]