4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Ciidamo mushaar la’aan ka cabanaya oo hakiyay isu socodka nawaaxiga Wasaaradda Gashaandhigga

 
Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 12-aad, ayaa la soo sheegayaa in ay hakiyeen isku socodka qeyb kamid ah waddada Warshadaha oo ku dhow Wasaaradda gashaandhigga.

Ciidanka ayaa la sheegayaa in ay ka cabanayaan mushaar la’aan heysata muddo bilooyin ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalladda Muqdishu lagu arko ciidamo gadood sameynaya, iyagoo cabasho ka ah mushaar la’aan.

Dhinaca kale, 16-kii bishan May, Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose oo lagu xusayay 15-ka May, oo ku begneed 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururka SYL, ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay bixiyaan mushaarka shaqaallaha dowladda iyo Ciidamada.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaallaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdan ay tahay dowlad shacab, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan ololaha dalkaaga wax u qabso, isagoo soo jeediyay in bishii labo saac kaliya arrintan laga shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay inuu isaga bilaabayo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia