4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Dabaaldegyaddii 18 May oo loo bedelay mid lagu caawinayo dadka abaaraha saameeyeen

 

Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Dabaaldegyaddii la isugu soo bixi jiray e 18 Nay oo ah maalintii Somaliland ku dhowaaqday in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day, ayaa sanadkan loo bedelay maalin lagu ururiyo dhaqaale lagu taakuleeyo dadkii abaaruhu ku dhufteen.

Maalinta ayaa guud ahaan dalka iyo dibadiisaba laga xusi jiray, haseyeeshee maanta sidii loo dabaaldegi jiray way ka duwan tahay, waxaana madaxweynuhu soo jeediyey in dabaaldegii dhaqaalaha badan ku bixi jiray loo bedelo qaadhaan ururin lagu taageerayo dadkii abaaruhu ku dhufteen in dib u dajin loogu sameeyo.

Madaxweyne Axmed Silaanyo ayaa magacaabay guddida ururinta dhaqaalaha iyo taakuleynta dadkii abaaruhu saameeyeen, waxaana gudiddan ururin doonta dhaqaale lagu qiyaasay toban milyan oo dollar, taas oo mashaariic kala duwan lagu qaban doono, sida in dadkii xooluhu ka madheen xoolo loo iibiyo, dadkii beeraha qota beero loo qoddo iyo in Dhaamam iyo ceelel biyood loo sameeyo.

Qaadhaan ururintan ayaa bilaabmaya maanta oo ah 18 May illaa 26 June oo lagu beegay maalinta xoriyadda laga qaatay Ingiriiska, mudadaasi oo loogu tallogalay in la ururiyo qaadhaanka, waxa kale oo la diyaariyey dhalinyaro mutadawacnimo ku shaqayso oo guri walba lacag ka soo ururinaya.

Maanta oo kale waxaa Somaliland laga dareemi jiray xamaasada iyo wax kala iibsiga, gaar ahaan astaamaha calanka, taas oo suuqeeddu xaami ahayn jiray, haseyeeshee sanadkan dadkii alaabooyinkaasi ka shaqayn jiray ayaa hoos u dhac dhaqaale soo wajahay ka dib markii waxba laga iibsan waayey.

Sidoo kale, dhaqaalo badan oo ku bixi jiray gaadiidka iyo xafladaha 18 may ayaa iyaguna la baajiyey, sidaas darteed illaa xallay uma muuqan in la joogo 18 MAY maadaamma oo dhaq dhaqaaqii lagu yaqaanay hoos u dhacay.

Sidoo kale, waxa iyaduna la soo jeediyey in guri walba geed lagu beero, waxaana wasaaradda deegaanku diyaarisay sideetan kun oo geed oo loogu tallogalay in in loo qaybiyo goboladda si dhir beeris loogu sameeyo loona hor tago xaalufka iyo cimilada isbedelaysa.

Sanadkan waa markii ugu horeysay oo aan dalaabdegyo waaweyn loo samayn xuska 18 May, inkastoo lagu bedelay caawinta dadka reer Miyiga ah, waana barnaamij fiican haddii uu sideedda u fuliyo ama la helayo lacagtaasi loo qoondeeyey.

Dhinaca kale, Qaadhaankii ugu horeeyey ee dadka abaaraha lagu caawinayo waxa shaaciyey madaxda dawladda hoose ee Hargeysa iyo xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa oo sheegay in mushaharkoodda ugu deeqi doonaan qaadhaankaasi la ururinayo, sidoo kale waxa bixinta qaadhaankan lagu tartan siinayaa sideedda degmo ee magaaladda Hargeysa ka kooban tahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.