4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2017
Maamulka degmada Beledweyne oo mamnuucay hubka shaci darrada ah

 

Khamiis, May, 18, 2017 (HOL) – Maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada ka soo saaray awaamiir la xiriirta amniga iyo isticmaalka hubka sharci darrada ah.

Madaxa amniga magaalada Beledweyne Carab Nuur Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax Qori ku dhex qaadan kara Magaalada, marka laga reebo hay’addaha amniga.

Waxaa uu sheegay qorshaha in uu yahay sidii loo sugi lahaa amniga, isaga oo intaa ku darray in dalka uu ka gudbay waqtigii sida uu hadalka u dhigay la Mooryaaneenjiray, islamarkaana dadka lagu cabsi galiyo hub aan sharci aheyn.

‘’ Cid aan aheyn hay’addaha amniga oo hub ku dhax qaadan karta magaalada ma jirto, dalka waa uu ka gudbay waqtigii dadka la handadi jiray’’ ayuu yiri madaxa amniga degmada Beledweyne.

Sarkaal Carab Nuur ayaa sheegay kaliya in ay magaalada hub ku dhex qaadan karaan afarta hay’addood ee amniga magaalada quseeyo, wuxuuna shakhsiyaadka caadeystay falkaasi uga digay in ay arrintaasi sameeyaan.

Amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maalmahan waxaa uu yahay mid aad u soo hagaagaya, maadaama qeybaha kala duwan ee ciidamada ay wadaan dadaalo lagu sugayo nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]