4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Maxkamadda Ciidamada oo maanta xukun toogasha ah fulisay


Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)– Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku fulisay nin ay ku eedeysay in uu waday gaari ku Qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Ninka xukunka dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Xasan.

Qaraxii Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ayaa waxaa uu dhacay 27-kii November 2016, waxaana ku dhintay ku dhowaad 15 qof halka tira intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen.

C/qaadir Cabdi, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, isla maalintii uu Qaraxa dhacay. 

Sidoo kale Qaraxii Suuqa waxaa uu ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay suuqa beerta ee degmada Waaberi.

Dhinaca kale 12-kii Bishii April, Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka xun yahay  dilkii toogashada ahaa ee  dhowaan Maxkamadda ciidamadda Puntland ay ku fulisay shan dhalinyaro  oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, islamarkaana maxkamaddu sheegtay inay ku heshay inay ka dambeeyeen dilkii Saraakiil ka tirsanaa maamulka Puntland.

Qoraalka ka soo baxay midowga Yurub waxaa si weyn loogu cambaareeyay falalka argagixisada iyo cidka kasta oo taageerta, hase yeeshee waxay tilmaameen  in xukunka dilka marnaba aheyn qaab ciqaabeed baajinaya falalka argagixisnimada ama fal-dambiyeedyada.

Midowga yurub waxay sheegeen inay ka go’antahay xoojinta nidaamka garsoorka Soomaaliya iyo horumarinka dhaqanka sharciga iyo cadaallada, iyagoo ballanqaaday inay ka caawin doonaan  sidii maamulada Soomaalida ay u  joojin lahaayeen isticmaalka ciqaabta dilka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia