4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo Yoweri Museveni oo ka wada hadlay amniga iyo dhaqaallaha

 
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magaalladda Kampala kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaallaha.

Dowladda Ugnada ayaa waxaa ay kamid tahay waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya kuwaas oo caawimaad siinaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan marnaba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo faqriga. Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu lafo guray kulankan ayaa waxaa kamid ahaa in dowladda Uganda ay taageerto qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo uu haatan Guddoomiye u yahay Madaxweyne Museveni.

Waxaa la isla soo qaaday maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtaa xabsiyada dalkaasi iyo sidii ay dowladda Uganda dib ugu eegi lahayd kiisaska loo haysto maxaabiistaas, xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka, gaar ahaan Koonfurta Sudan iyo muran xuduudeedka soo cusboonaaday ee dowladaha Jabuuti iyo Eriteriya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia