Hiiraan Online
4/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Kooxda kubadda Cagta Jubbaland oo u gudubtay wareegga labaad ee tartanka dowlad goboleedyada
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) –
Ciyaartooyada xulalka kubadda cagta Jubbaland iyo Galmudug ayaa wada dheelay cayaartii ugu danbeeysay ee (Group-ka A), waxaana cayaartii dhexmartay labada koox ay ahayd mid soo jiidatay dareenka dadkii daawanayay, maadaama labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaagsan.
Daqiiqadihii hore ee qeybta 1-aad ee cayaarta ayay Jubbaland la hormartay Gool, balse inta aysan dhammaan qeybta 1-aad ayay Galmudug keentay gooshii Barbaraha.
Qeybtii 1-aad ayaa lagu kala nastay 1-1, waxaana cayaarta qeybteedii danbe ay noqotay mid ka adag qeybtii hore, ayadoo cayaartooyda xulka kubadda cagta Jubbaland ay u suurogashay in ay gool dhaliyaan daqiiqadihii ugu danbeeyay ee cayaarta, waxaan guusha ay sidaa ku raacday cayaartooydii xulka kubadda cagta Jubbaland.
Guusha ay gaareen cayaartooyda Jubbaland ay u suurogelisay in ay u gudbaan wareegga labaad ee tartanka, waxaana Group-ka A- kasoo baxay Jubbaland iyo Banaadir. halka Group-ka B ay kasoo baxeen Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.