Xarrakada Al-shabaab oo saddex ruux oo Kenyaan ah ku dishay degmada Lamu
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya deegaanka lagu magacaabo
Maleli oo ka tirsan degmada Lamu dalka Kenya, ayaa sheegaya in Al-shabaab saddex
ruux oo deegaanka ah ku gowraceen.
Wargeyska Star oo dhacdadan wax ka qoray ayaa
sheegaya in taliyaha booliiska ee
gobolkaas xeebta Gilbert Kitiyo uu xaqiijiyay dhacdadaas.
Sidoo kale, dableyda weerarka geystay ayaa la sheegay in
ay halka ku gubeen guryo dhowr ah sidda ay warbaahinta u sheegeen dadka
deegaanka oo arintan cabsi iyo anfariir ka qaaday.
Taliyaha booliiska gobolka xeebta ayaa sheegay in durbaba
halkaa ay ku direen ciidamo, islamarkaana xaalada qiimeynayaan.
Weerarkan danbe ayaa imanaya iyadoo ay horay deegaankaas uga dhaceen
weerarro halis ah, iyadoo malayshiyaadku ay weerarro ku qaadeen tuulooyin.
Ma jiro dhinaca Al-shabaab wax war ah oo ka soo baxay oo
la xiriira dilka saddexda ruux waxaana soconaya baaritaanno arintan la xiriira
oo ay wadaan saraakiisha amniga.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]