Wafdi ka socda Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo si diiran loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa
maanta gaaray dalka Jabuuti.
Wafdiga ayaa waxaa si diirran usoo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Boostada
iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, Madaxa
Djibouti Telecom Mudane Maxamed Cosoble Buuxe iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya
dalka Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.
Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in
ay kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan xiriirka horumarinta Iskaashiga
dhinaca Isgaarsiinta iyo boostada.
“Waxa aan u soconaa howllo ay ka mid tahay dhaqan gelinta heshiiska Boostada
Jabuuti iyo Soomaaliya oo aan hore u saxiixanay kaas oo ku saabsanaa in
Boostada Jabuuti ay noqoto xiriirka Boostada Soomaaliya ee dibedda(Gateway )
iyo arrimo kale oo xiriira horumarinta xiriirka labadda dal ee dhinaca
Iskaashiga horumarinta Isgaarsiinta” ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta
iyo Tiknolojiyadda Somaaliya Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan.
Wafdiga ayaa waxaa la filayaa marka ay kulamadooda dhameystaan in ay
warbaahinta faahfaahin ka siiyaan waxa kasoo baxay kulamadooda.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia