4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Maxkamada sare ee Soomaaliland oo war ka soo saartay doorashadii uu muranka ka dhashay ee gollaha wakiilada


Axad, August, 13,  2017 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay dacwaddii xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle u soo gudbiyey ee uu kaga cabanayey in natiijadii codadkii xildhibaanadda ee doorashaddii gudoomiyaha golaha wakiiladda la is daba mariyey,isla markaana uu yahay gudoomiyaha golahaasi.

Maxkamadda sare ayaa sheegtay in aanay ka garniqi Karin muran golaha dhexdiisa ah,isla markaana xalinta khilaafkooda loo marayo xeer hoosaadka golaha Wakiilada uga yaalla, waxaanay tilmaameen qodobo xeer hoosaadkoodda ka mid ah oo tilmaamayo sidda loo xaliyo muranadda ka yimaadda codadka iyo muraanadda doorashadda.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in dacwadani aanay ahayn mid dastuuri ah oo meel lagaga dhacay arrin dastuuri ah, sidaas darteed aanay ka garan karin muran golaha dhexdiisa ka dhacay oo loo mari karo xeer hoosaadkoodda.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ay ku saxeexan yihiin shan xubnood oo ka mid ah garsoorka maxkamadda sare oo uu gudoominayey gudoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali, waxaanu u qornaa sidan : “ Maxkamadda sare Markay aragtay arjiga dacwadda ah ee ku taariikhaysnayd 8/8/2017 ee Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle dacwadeeda usoo gudbiyey maxkmadda sare oo ujeedadeedu tahay doorashaddii ka dhacday golaha Wakiiladda oo uu kaga cabanayo go’aankii lagu ansixiyey natiijadii doorashaddii gudoomiyaha golaha wakiilada ee dhacday 6/8/2017, waxaanu ka cabanayaa inuu isagu helay 39 cod, halka Baashe Maxamed Faaraxna uu helay 38 cod oo codeyntii la is daba mariyey.

Markii ay maxkamadu u cadaatay in aanu jirin muran dastuuri ah oo la leeyahay arrin dastuuri ah ayaa meel lagaga dhacay, balse ay cabashaddu la xidhiidho habka codeynta ee golaha dhexdiisa, markay maxkamada u cadaatay arrin gudaha ah,isla markaana uu jiro xeer hoosaad uu leeyahay golaha Wakiiladdu oo ay tahay in muranadooda ku xaliyaan xeer hoosaadkooda, gaar ahaan qodobka 37aad,42aad, ee xeerka numbarkiisu yahay1/2006, markay maxkamadda u cadaatay si waafaqsan xeer hoosaadka golaha ,isla markaana ay aqballeen musharaxiinta tartamaysay, cabashadana ay timid natiijaddii codeynta.

Waxay qaraarisay arjiga uu maxkamada usoo qortay Xildhibaan Cabdiraxaman Talyanle aanu waafaqsanayn qodobada sharciga ah ee khuseeya maxkamada dastuuriga ah, maadaama aanu jirin dacwad dastuuri ah, oo waafaqsan qodobka 98aad, faqradiisa 1aad, A iyo C, ee dastuurka Somaliland, waxay qaraarisay in maxkamaddu in arjigaasi uu xildhibaanku usoo gudbiyey uu dariiqeedu yahay golaha wakiilada dhexdiisa, iyagoo raacaya xeer hoosaadkooda, gaar ahaan si waafaqsan qodobka 37aad oo ka hadlaya soo jeedimaha, iyo qodobka 42aad oo ka hadlaya noocyadda codeynta iyo muranadda ka yimaadad sida loo xaliyo ee xeer numb 1/2006.”.

Murankan ayaa ka dhashay natiijadii doorashaddii gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo markii doorashaddu dhamaatay 39 xildhibaan ku doodeen inay Cabdiraxmaan Talyanle doorteen, taasina ay keentay inuu khilaafku cirka isku sii shareero, waxaanay taasi keentay in musharax Cabdiraxmaan Talyanle dacwad u qorto maxkamadda sare, haseyeeshee Maxkamadda sare waxay dib ugu soo celisay murankaasi in lagu dhameeyo xeer hoosaadka golaha,isla markaanaa aanay ka garniqi Karin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.