Madaxweyne Farmaajo oo sheegay sababta safarkiisii ugu horeeyay uu uga bilaabay Baydhabo
Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalkii ugu horeeyay
ee dalka gudihiisa ku tagay magaalada Baydhabo
ayaa sheegay sababta safarkiisa iyo waxa uu u doortay in uu Baydhabo ka bilaabo.
‘’Waxaan xasuustaa markii la doortay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud
safarkii uu halkan [Baydhabo] ku yimid isaga oo la tashi dadka kala sameynaya cidda uu
ra’iisal wasaaraha ka dhigayo in aad u sheegteen Farmaajo ayaa rabnaa, xasuus
gaar ah ayeey ii leedahay waana tan keentay in aan safarkeygii ugu horeeyay ee
dalka gudihiisa halka ka bilaabo ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha in shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo
yihiin shacab jecel sida uu hadalka u dhigay dowladnimada, isaga oo dhinaca kalana balanqaaday in dowladdiisa ka shaqeyn doonto fududeynta doonista iyo rabitaanka
dadka ku dhaqan deegaannada K/galbeed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga
uu hogaaminayo qeyb ka tahay u kuurgalka xaalada bani’aadannimo dadka ku dhaqan
deegaannada K/galbeed oo saameyn adag ay ku yeelatay abaarta.
Dhinaca amaanka mar uu ka hadlay ayuu sheegay in dowladdiisa waxa ugu
horeeya oo ay ka shaqeyneyso tahay sidii leysugu furi lahaa wadada isku xirta
Baydhabo iyo Muqdisho oo marar badan oo hore ay codsadeen mas’uuliyiinta
maamulka K/galbeed Soomaaliya.
Waa safarkiisii ugu horeeyay ee Farmaajo uu ku taggo Magaalo ku taala dalka,
kana baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Sooamaaliya, 8-dii bishii February.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]