4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2017
Faafaahin: Sawir-qaade ka tirsan Wakaaladda Reuters oo ka badbaaday Qarax magaalladda Muqdishu

 
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Feysal Cumar, oo ah sawir-qaade la shaqeeya Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa xalay ka badbaaday Qarax loogu xiray gaarigiisa.

Sawir-qaadaha ayaa la sheegay in uusan saarneen gaariga xiligii uu Qarxayay.

“Feysal Cumar, wax yar ka hor ayuu ka degay gaarigiisa, ka hor Qaraxa, daqiiqado kama soo wareegin markii Qaraxa xooggiisa la maqlay”, sidaasi waxaa yiri Goob-googe.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga isgooyska mashquulka badan ee Banaadir ee magaalladda Muqdishu.

Ciidanka dowladda oo gaaray halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo, ilaa iyo haddana lama oga cida ka dambeysay weerarka.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in aysan jirin cid dhaawac uu kasoo gaaray Qaraxa. 

Gawaarida lagu xiro waxyaabaha Qarxa ayaa sanadadii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalladda Muqdishu.

Ugu dambeyntii Sawir-qaade Feysal Cumar ayaa ka mid ah sawir qaadayaasha u shaqeeyay Wakaaladda Reuters, waxaana dhowr jeer uu ka bad baaday qaraxyo ka dhacay Muqdisho, xilli uu ku guda jiray sawir qaadis.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia