4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2017
Kenya oo sheegtay in ay dishay 52 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab

 Jimco, April, 21, 2017 (HOL) - Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay in ay dileen 52 ka tirsan ururka Al-Shabaab habeenimadii xalay ku dileen weerar ay ka geysteen deegaan lagu magacaabo Sarira oo u dhaw magaalada Badhaadhe.

War saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda dhulka oo adeegsanaya sirdoon iyo hubka hoobiyayaasha ay bartilmaameedsadeen goobtaasi, ayna ka sameeyeen hawlgal saaka.

Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in hawlgalka ka dambeeyey markii ay ogaadeen in goobtaasi ay isku urursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Kenya waxay sheegtay in hawlgalkaasi ay ku dishay 52 ka tirsan Al-Shabab isla markaana kuwo kale la baxasadeen dhaawacyo.

Kneya waxay kaloo sheegatay inay hawlgalkaasi ku qabsatay hub iskugu jira 7 qori oo AK47 ah, 1 PKM, 104 xabbo oo rasaas ah, 3 walxaha qarxa oo diyaarsan iyo kuwo aan diyaarsanayn iyo laba telefoon.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda VOA u sheegay in ay arkeen diyaaradaha Helicopter -ka Kenya oo duqaynaya deegaan lagu magacaabo Sangaabo oo u dhaw deegaanka Sariira. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]