Gollaha wasiirada oo ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin amniga iyo ka hortaga musuq maasuqa
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka
Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu
shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada,
Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo
arrimo kale.
Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta
maaliyada si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla
markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha iyadoo lala dagaalaayo waxii
musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si
deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo
dhalinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag
lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.
Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in dhowaan uu
bilaabanayo howlgal ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo la
diyaarinayo ciidanka isla markaasna laga howlgalayo sidii waddooyinka gobollada
la isagu furi lahaa si shacabka loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin isla
markaana loogu fududeyn lahaa isu socodka iyo ganacsiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin dheer ka bixiyey
shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo uu sheegay
in si wanaagsan la isagu afgartay dhammaan arrimihii laga hadlay ayna muuqato
yididiilo iyo kalsooni wadashaqeyn buuxda leh. Waxaana la isla gartay in 3dii
biloodba mar ay kulmaan, lagana wada howlgalo sugida amniga dalka oo dhan, iyadoo
ciidanka la wada qarameyn doono dhowaan.
Wasiirka Shaqada & Horumarinta Bulshada ayaa
warbixin dheer ka bixiyey xaalada shaqaalaha rayidka ah, iyadoo la qiray
xaalada adag ee shaqaalahu ku howlgalaan, laguna ammaanay dulqaadkooda iyo
howlkarnimadooda, ayaa golahu waxuu ballanqaaday in xaquuqda shaqaalaha laga
howlgalo iyadoo la hagaajinayo maamulka iyo maareynta shaqaalaha, si loo
kordhiyo xirfadooda oo wax-soosaarkoodu kor u koco, oo dowladu ay hesho dakhli
keeni kara in dhalinyarada loo sameeyo shaqo-abuur.
Wasiiru-Dowlaha Maaliyada oo ka warbixiyey qorshaha
ka hortaga Musuqmaasuqa ayaa sheegay in la diyaariyey nidaam looga hortagayo
lunsashada hantida qaranka, si loo joogteeyo mushaaraadka shaqaaalaha rayidka
ah, in baaris iyo dabagal joogta ah lagu sameeyo sidii loo joojin lahaa
musuqmaasuqa oo cidii lagu helo sharciga la horgeyn doono.
Sidoo kale waxaa la isla gartay in wacyigelin
baahsan la sameeyo oo bulshada looga digayo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa
si loo ciribtiro bulshada ay door uga qaadato. Hindise Sharciyeedka la
dagaalanka Musuqmaasuqana waxaa lagu heshiiyey in la dardargeliyo oo la
ansixiyo.
Wasiirka Dhalinyada iyo Cayaaraha ayaa ka warbixisay
xaalada wasaarada iyo booqashadii uu Guddoomiyaha Xiriirka Africa ku yimid
Soomaaliya. Waxeyna u mahadcelisay dhammaan intii kaalinta wanaagsan ka
qaadatay booqashada iyo labadii cisho ee uu joogay dalka, tanoo soo celisay
sumacadii iyo karaamadii Isboortiga dalka, isla markaasna Guddoomiyaha Xiriirka
FIFA uu isna soo booqan doono dalka.
Ugu danbeyntii Wasiirada Haweenka & Arrimaha
Xaquuqul Insaanka ayaa warbixin ka bixisay qorshaha dhismaha Guddiga Xaquuqul
Insaanka iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha dhismaha
guddigan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]