Abwaan Qawdhan oo ka mid ahaa abwaanadda waaweyn ee Soomaaliyeed oo geeriyooday
Khamiis, April, 20 2017 (HOL)- Alla ha u naxariista Abwaan
Xasan Qawdhan Yuusuf oo ka mid ah abwaaniinta waaweyn ee gayiga Soomaalidda
ayaa shalay ku geeriooday wadanka Sweden oo muddooyinkii u dambeeyey
xanuunsayey.
Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf wuxuu
leeyahay heeso iyo Riwaaayado badan oo caan ka ah deegaanaddda Soomaalidda,
waxaanu ahaa Abwaan Af gaaban, waxaana ka qaybgallay kulamo uu taariikhdiisa
iyo suugaantiisa ku soo bandhigayey oo lagu casuumay.
“Abwaan Qawdhan wuxuu ku dhashay
magaalada Hargeysa hillaadii 1944-kii. Wuxuu ka bilaabay waxbarashadiisii
malcamaddii la odhan jirey ‘’ Saqadhi ‘’oo ku taalay hadaanta hargeysa .
Dugsiga hoose dhexe isna wuxuu ka bilaabay ‘’School Riis ‘’. Abwaanku kumuu
raagin waxbarashadii dugsiga hoose dhexe ee waa isaga tagey isagoo fasalka afraad maraaya . Wuxuu
shaqadiisii koobaad ku bilaabay ‘’ Boynimo‘’.Intaas ka dib wuxuu noqday Kuug
ama cunno sameeye wanaagsan . Xirfadaha kale ee uu bartay kadib waxaa ka mid
ahaa ; Darawalnimada iyo turjumidda afafka qalaad maadaamuu waddamo afrika oo
dhan uu badankooda maray ay u saamaxday inuu luuqadahooda barto . Fanka iyo
hal-abuurnimada waxuu ii sheegay inuu xiisayn jirey isagoo da’ahaan yar .
Lagama waayi jirin dhinacyada odayaasha sheekaysanayaa iyo cid kastoo hibo u
leh hal-abuurka . Waxay u yaqaaneen ;
nin yaroo nin weyn ah .”sidaas waxa yidhi Axmed Cabdi Xasan (Axmed Karaama) oo
taariikhda Abwaanka wax ka qoray.
Abwaanka markii ugu horeysay ee
uu wax curiyo gugiisu wuxuu ahaa 23-jir. Wuxuu sameeyay wakhtigaas hees hirgashay oo uu qaado heesaagii codka
macaana ee Maxamed Nuur Giriig AHN. Waa sanadkii 1967-kii.Ereyada heestaa waxaa
ka mid ahaa meerisyadan ; Meeqaam nin
mudan , oo miiganaa , intaad maamusheen
, miidaamiseen , waxaad tahay mid baaso , lay soo maldahayoo , anigana i
mudatee . Abwaanka waxa heestaa markiiba ugu xigtay Riwaayad . Way adkayd in
nin dhalinyaraa oo ku cusub masaraxa hal-abuurka inuu sameeyo riwaayad
dhamaystiran .
Waxa kale oo uu abwaanku sameeyey
Riwaayad magaceedda la odhan jiray ‘’ Annagoo waalan waagu noo beri ‘’ . Waxaa
ka qayb qaatay dadyoow tiro badan . Waxaan ka xusi karnaa kuwan ;Maxamed
Saleebaan Tubeec Ahn , Axmed Mooge Liibaan AHN , Maxamed Jaamac Joof AHN ,
Xasan Diiriye , Marwo maxamed, Axmed Good Shimbiriyo qaar kaloo badan .
Heesihiisa tiradda badan kuwiisa
ugu caansan waxa ka mid ah Miidaamo dhego-maleh , hadduu malag dhawaaqee .
Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Axmed Mooge Liibaan Ahn .Waxaa kale oo ka
mid ahaa ; Diin god gal , good diin gal.
Riwaayadihiisa kale waxa ka mid
ahaa Riyadii xalay , baan rumaystoo , Raaxaan
moodoo , waan riyaaqee, Ninna waal ninna waani.
Lama soo koobi karo
Riyaawadihiisa iyo heesaha uu abwaanku leeyahay, waxaanu leeyahay heeso aad u
badan oo ah kuwo aadka loo jecel yahay.
Sanadku markuu ahaa 1972-kii ayaa
la xidhay waxaanu xidhnaa muddo Afar bilood sida uu Abwaanku sheegay, Waxaana
kiis looga dhigey hees uu sameeyay
wakhtigaas oo riwayadan ku jirtey
islamarkaana uu qaado Axmed Cali Cigaal
. Waxaa ka mida ereyadeedii ; Maxaad sheekadeeni ( nacas ) intaad shirisay
dumarkii, (doqon ) . Isla sanad kadib wuxuu abwaanku haddana allifey riwaayad
kale oo la magac baxday ‘’ Yaan la
waalin jacaylka ‘’ . Waxay ka mid ahayd
silsiladi waalida riwaayadihii uu ula baxay .
abwaan Xasan Qawdhan
heesaha
WADANIGA ee uu curiyey waxa ka mid ahaa hees ay qaado fanaanadii
weynayd ee Dalays Cabdillaahi . Waxay heestu ku bilaamaysay ereyadan ;
Hunnu hunnuu
hadal maaha , himbriirsii arag maaha .
Heesaha uu sameeyay abwaanku kuwaan marnaba laga caajisin waxaa ka mid
ahaa
heeskan ; Jaaheeda nuurka leh , ayaa I
jiidanaayee , juuq umaan idhaahdeen , haddaan jari karaaye , joogaaha
maqan
baan ahee , maqanahaa joogaan ahee.
Guntii iyo gabogabaddii Abwaanku
wuxuu yeeshay afar Xaas, waxaanay guud ahaan caruurta uu dhalay iyo kuwa sii
dhaleen isku noqonayaan 25 qof, waxaana taariikhdaas Fankiisa iyo noloshiiba
wax qoray kana waraystay abwaanka inta uu noolaa Axmed Cabdi Xasan (Axmed Karaama).
Abwaanka waxaan ilaahay uga
baryeynaa inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan inaga
siiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.