4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Eng. Yarisow "Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaaraha ee dalka ka socda"


Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii  Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino ay Al Shabaab ugu talo galeen inay ku hor-istaagaan gurmadkaas. Qaraxa miinada ayaa Al Shabaab ay dooneysay inay ku dilaan saraakiisha u gurmaneysa shacabka.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri "Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, halka  Al-Shabaab ay iyagana mudnaan koowaad ka dhigteen is-hortaaga in shacabkaas tabaaleysan loo gurmado. Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah."

Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey "Dowladda Federaalka waxaa ka go'an in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, oo falalka noocan oo kale ahna ay nagu sii dhiirigelinayaan inaan geesinimo ka sii qaadno annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed oo aan labo-jibaarno howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah." 

---DHAMAAD---

Hiiraan Online,
Mogadishu,Somalia