4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

 
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kullmay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo Mareykanka doorka uu ku leeyahay u gurmashada dadka Abaaraha saameynta ay ku yeesheen.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in Mareykanka uu ka dalbayo inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa dowladda ku ammaanay dadaalka ay wadaan ee ku aadan hormarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay Dowladda Mareykanka waxaana uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah u taageera Soomaaliya.

14-kii Bishan Ciidamo American ah ayaa loo soo daabulay magaalladda Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Ciidanka ayaa gaaraya tira ahaan daraasiin waxaana tababaro ay siin doonnaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ee dagaalka kula jira Xarakadda Al Shabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka degay magaalladda Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee Muqdishu hadda jooga, ayaa noqonaya  ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaaray, marka laga soo tago tiro yar oo ah lataliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo haray Soomaaliya usoo gaaray.

Mareykanka wax ciidan militeri ah kama joogin Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 1994, xiligaas oo ciidamadii Militeriga Mareykanka laga saaray howlgalkii faragelinta UN-ka ee Soomaaliya.

Shan bilood kadib xiligaasi, 18 askari oo American ah ayaa waxaa lagu dilay magaalladda Muqdishu waxaana dilkooda laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia