4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2017
Diyaarad ay la socdeen dhakhaatiir caalami ah oo maanta gaaray Buuhoodle

Arbaco, April, 19, 2017 (HOL)- Wararka naga so gaaraya magaaglada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in wafdi ka socda Maraykanka iyo Norwey galabnimadii maanta ka degeen garoonka diyaaradaha Buuhoodle.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa dhakhaatiir iyo masuuliyiin ka tirsan hay'adaha adduunka ugu waawayn ee FAO, WHO, USAID, UNESCO, UNICEF, UNDP iyo kuwa kale, waxaana lagu wadaa in ay u kuurgalaan xaalada dadka barakacay iyo kuwa bukaanka ah.

Wafdigan oo badankooda lagu tilmaamay in au dhakhaatiir yihiin ayaa u socoda audio baadhis loogu samayn lahaa jeermiska keenay xanuunka shuban biyoodka ka dilaacay magaalada.

dad tiradooda kor u dhaaftay 400 oo qof ayaa lagu war bixinayaa in ayla il daranyihiin shuban biyoodka, waxaana xusid mudan in ay kala go'day kaalmadii daawooyinka ahaa ee la gaarsiiyay labada cisbitaal ee dadka lagu hayo. 

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.

[email protected].

Laascaanood, gobolka Sool.