4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2017
Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Dalka oo la dhameystiray


Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa maanta doortay ilaa shan mudane oo u metelaya Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Dalka Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban 10 mudane oo ka imaanaya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Mudanayaasha Aqalka sare ayaa kullankoodii maanta ka dhacay magaalladda Muqdishu waxaa ay ku doorteen shanta senator ee hoos ku qoran:

1- Senator Abdi Xasan Cawaale Qeybdiid

2- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole

3 -Xuseen Sheekh Maxamuud

4- Iftiin Xasan Baasto 

5-Maxamuud Faarax.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan doortay dhinacooda Shan Xildhibaan oo u metelaya  Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Dalka.

Todobaadkii lasoo dhaafay kullan looga hadlayey dib-u-eegista Dastuurka dalka ayaa ka dhacay magaalladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kullanka uu dhexmaray Wasaaradda Dastuurka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka.

Dastuurka Dalka Soomaaliya ayaa ah mid aan wali dhameystirneen, waxaa Dowladda hadda jirta ay dooneysaa in dadaal loogalo sidii loo dhameystiri lahaa. 

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia