4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2017
Real Madrid oo si xaraga leh uga adkaatay Bayern iyo Barcelona ? - ? Juventus oo isku dhegan caawa

 

Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Real Madrid ayaa xalay si layaab leh uga adkaatay kooxda Bayern Munich, kadib markii ay ku kulmeen ciyaar ka tirsaneed koobka Champions Leaque-ga.

Laacibka Ronaldo, ayaa si wanaagsan uga dhex muuqday ciyaarta, kadib markii saddex ka mid ah goolashii ay Real ku adkaatay uu isaga dhaliyay.

Ronaldo ayaa goolkiisa 100 aad  tartamada UEFA oo dhan dhaliyay kulankii Bayern Munich.

Ciyaartii xalay ayaa kusoo dhamaatay Real Madrid 4-2 Bayern Munich. 
Kooxda Real ayaa waxaa ay 4-ta gool ka kala heshay, Ronaldo oo 3 dhaliyay iyo Marco Asensio oo goolkii 4-aad u dhaliyay kooxda Madrid, halka labada gool ee kooxda Bayern Munich, mid ka mid ah uu ahaa gool uu iska dhaliyay Ramso, midka kalana waxaa kooxda u dhaliyay Lewdandoweski.

Kulankan ayaa ahaa mid uu si wayn u hareeyay muran kadib markii karka Roosaha la siiyay Arturo Vidal. 
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

REAL MADRID(4-3-3): Navas; Carvajal, Nacho, Sergio Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Isco, Benzema, Ronaldo.
KAYDKA: James, Casilla, Kovacic, Lucas Vazquez, Marco Asensio, Morata, Danilo.

BAYERN MUNICH (4-3-3): Neuer; Lahm, Hummels, Boateng, Alaba; Vidal, Alonso, Thiago; Robben, Lewandowski, Ribery.
KAYDKA:Douglas Costa, Rafinha, Bernat, Muller, Ulreich, Coman, Kimmich.

Dhinaca kale kooxaha Barcelona ? - ? Juventus, ayaa caawa wada ciyaari doono kullan xiisa badan oo ka tirsan horyaalka Yurub.

Kullankaan ayaa caawa waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Camp Nou. 
Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa semi-finalka Champions League 3-0 kusoo garaacday lugtii hore ee wareega 8da kooxda Barcelona kulankii ka dhacay Juventus Stadium.

Taariikh ahaan kooxda Barca ayaa 15 kulan oo isku xigta oo tartamada Yurub ah ku badiyay garoonkooda.


Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia