4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay wafdiga Ahlu Sunna ee Muqdisho ku sugan


Arbaco, April,  19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay wafdiga uu horkacayo hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Waxaa sidoo kale kulanka joogay wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadlleen sidii loo dardarin galin lahaa wadahalada Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlu sunna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunna.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu soo gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska lagu mideynayo Ahlu sunna iyo Galmudug oo dhowaan dhici doona.

Magaalada Cadaado ayaa lagu wadaa in 30-ka bishan ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo hadii wada hadalada lagu guuleysto ay Ahlu sunna qeyb ka noqon doonto doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]