4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2017
Maamulka gobolka Hiiraan oo eedeyn u jeediyay gudiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran

Arbaco, April, 19. 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa eedeyn u jeediyay gudiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo sida uu hadalka u dhigay ilaa iyo hada aan soo gaarsiin kaalmadii loogu talagalay dadka abaarta saameysay ee ku dhaqan gobolka.

‘’Annaga gudigaas uma aragno gudi mushtamaca Soomaaliyeed u adeegaya, warbaahinta ayaan ka aragnay guddoomiyaha gudiga oo leh gobollada dalka oo dhan waxaan u kala dirnay min $ 150,000 kun oo doolar, annagana ilaa iyo hadda xitaa $ 1 doolar kama heyno, su'aasho waxaa ay tahay miyeeynaan ka mid aheyn gobolladaa la sheegayo’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Cali Jeynte ayaa sheegay in heerka abaarta maanta ay gaartay in ay dad macaluul ugu dhintaan deegaannada uu maamulka ka arimiyo.

‘’Dadkii ayaa maanta macaluul u dhimanaya, heerka abaarta halkaa ayeey mareysaa, sidaa daraadeed in dhaqaalihii loogu talagalay leysku heysto waxaan u aragnaa arin kale’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Eedeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo maamulka gobolka Hiiraan u jeediyo gudiga gurmadka abaaraha heer Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]