4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2017
Maamulka Hirshabelle oo xabsiga dhigay Agaasimaha Isbitaalka magaalladda Jowhar

 
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Maamulka Hirshabelle ayaa xalay xabsiga dhigay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka magaalladda Jowhar Xasan Mahad Cabdi.

Agaasimaha ayaa la sheegay in ciidamada ay xireen xalay, waxaana hadda uu ku xiran yahay Xabsi ku yaalla magaalladdaasi Jowhar. 

Isbitaal gobolleedka magaalladda Jowhar ayaa waxaa gacanta ku haysa hay’adda Intersos.

Dhinaca kale waxaa jira warar soo baxay oo sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay jireen muran u dhexeeya maamulka Isbitaalka iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

“Waxa loo heysto ee lagu xiray Agaasimaha waxaa ay tahay in Isbitaalka laga guuru, waxaan haynaa Warqad uu soo diray wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle, oo uu ku sheegay in maalmo gudahooda isbitaalka uu uga guru meesha uu deganyahay”, sidaasi waxaa yiri Ibraahim Shariif oo ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka.

Ibraahim Shariif, ayaa sidoo kale sheegay in Isbitaalka uu shaqooyin caafimaad u qabto dad ku nool gobolka oo dhan.

Isbitaalka magaalladda Jowhar, ayaa waxaa Bukaan ahaan hadda u jiifa dad badan oo ay ka mid yihiin carruur la xanuunsaneysa cudurka Shuban biyoodka iyo dad kale oo Abaarta ay awood beelisay.

Madaxda maamulka Hirshabeelle wali kama aysan hadlin dooda u dhexeeysa maamulka Isbitaalka iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia