4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2017
Dagaal u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka dowladda oo ka dhacay G/Shabeellaha Hoose

 
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday duleedka degmada Afgooye, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Buulo-Fooliyo ee duleedka Afgooye, waxaana uu ku biloowday madaafiic lagu garaacay Xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Maxamed Amiin, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al Shabaab uu isku bedelay dagaal toos ah.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka wali si rasmi ah looma xaqiijin ilaa iyo hadda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi xooggan ay lasoo deristay intii dagaalka uu socday.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Shabeellaha Hoose.

Xaaladda deegaanka Buulo-Fooliyo ee duleedka degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa saaka lasoo sheegayaa in ay degantahay, waxaana ciidanka dowladda lagu arkayaa deegaanka dhexdiisa.

Dhinaca kale ciidanka dowladda oo maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday deegaanadda hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa ay la wareegayeen deegaano ay maamulayeen Al Shabaab.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia