4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Faafaahin: Nabadoon caawa lagu dilay magaalladda Beledweyne

 
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa caawa magaalladda Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan ku dilay mid ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan magaalladda.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisoow, waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalladda Beledweyne. 

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska ee Magaalladda Baladweyne, Nuur Xasan Bidaar, ayaa sheegay in ay baxsadeen kooxihii dilka geystay isagoona sidoo kale sheegay in ciidamada ay wadaan baaritaano.

Dhinaca kale Nuur Xasan Bidaar, ayaa sheegay rasaastii lagu furay Nabadoonka in ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale oo ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisoow.

14-kii bishan, kooxo hubeysan ayaa magaalladda Muqdishu ku dilay Nabadoon caan ah, oo ka mid ahaa Ergadii wax ka dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. 

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jimcaale Doon-Gaalle, waxaana dilkiisa uu ka dhacay nawaaxiga Isgooyska labo-dhagax ee Muqdishu.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalladda Cadaado ee xaruunta kumeel-gaarka maamulka Galmudug.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ku hubeysan Bistoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobta markii dilka ay geysteen kadib.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia