4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2017
Kooxo hubeysan oo caawa nabadoon ku dilay magaalada Beledweyne

Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa ku diley magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow oo ka mid ahaa nabadoonnnada sida weyn looga garanayay magaalada.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ayaa fuliyay kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo markii danbe goobta ka baxsaday.

Sidoo kale kooxaha hubeysan ee toogashada geystay ayaa la sheegay in ay dhaawaceen wiil uu dhalay iyo xaaskiisa.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay xildhibaannada baarlamanka federaalka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka nabadoonkan, balse ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka sameeyay goobaha ku dhow dhow halka uu dilka ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]