4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2017
Theresa May oo rabta doorasho waqtigeedii laga soo hormariyay

 

Talaado, April, 18, 2017 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu hirgalinayo doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyay oo dhacda 8 Juun.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegtay in Britain ay u baahantahay hubanti, degenaansho iyo hogaan awood leh, arrintaas oo dabo socota aftidii ay Britain ku go'aansatay in ay kaga baxdo Midawga Yurub.

Jeremy Corbyn oo ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in xisbiga Shaaqaalaha uu rabay doorasho, isaga oo ku tilmaamay fursad lagu heli karo dawlad "ahmiyad siisa aqlabiyadda".

Baarlamaanka ayaa Arbacada cod u qaadidoona qorshaha doorashada si uu u ansixiyo, ra'iisalwasaaruhuna waxay u baahan tahay saddex meeloodoow labo ka mid ah xildhibaanada si loo qabto doorasho laga soo hormariyay wakhtigii la qorsheeyay ee ahayd 2020ka.

Theresa May oo sharaxaad ka bixinaysa isbadalkan ka yimid maskaxdeeda ayaa sheegtay in "ay fikirkeedii ku soo gunaanaday in qabashada doorashadan ay tahay habka kali ah ee lagu hanan karo hubanti iyo degenaansho".

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]