4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Daawo: Hilibka Digaaga ee laga keeno dalka Brazil oo laga joojiyay 150 wadan oo caalamka ka tirsan

 

Talaado, April,  18, 2017 (HOL) –Dowladdaha Midowga Yurub, Shiinaha, Korea Koonfureed, Chile, Imaaraadka iyo wadamo kale ayaa ku dhawaaqay in ay iska joojiyeen Hilibka Digaaga ee laga keeno suuqyada dalka Barazil, kadib markii ay soo bexeen fadeexado ku aadan tayada iyo faydhoorka caafimaadka Hilibka Digaaga ee laga keeno dalkaasi.

Booliiska Federaalka ayaa ku eedeeyay 21 Shirkaddood oo ay ka mid tahay JBS, oo ah shirkadda ugu weyn ee protein-ka soo saarra iyo shirkadda kale ee BRF, in ay laaluush siiyeen kormeerayaasha dowladda si shirkaddaha loogu caawiyo in la siiyo shahaadooyinka caafimaadka Hilibka iyo in loo xaqiijiyo in hilibkooda uu caafimaad qabo.

21-ka Shirkadood ee la magacaabay ayaa beeniyay eedeymihii ay usoo jeediyeen Booliska Federalka.

Madaxda faydhoorka caafimaadka Hilibka, ayaa ku dooday in arrinta si dhab ah loo qaato isla markaana baaritaan cilmiyeeysan la sameeyo.

Mamnuucida hilibka Digaaga ayaa waxaa ay ku riixday shirkaddaha ugu weyn dalka Barazil ee JBS iyo BRF in ay gaaraan khasaare xoog badan, balse markii arrintasi ay soo shaacbaxday ayaa dowladda waxaa ay sheegtay in murankaasi ay xalin doonto sidoo kalana shirkaddaha lagu soo eedeeyayna sharciga lamarsiin doono.

Midowga Yurub, ayaa sheegay in 4 ka mid ah 21-ka Shirkadood ee fadeexada lala xiriiray in ay kala noqdeen Licences-ka.

Dowladda Brazil ayaa sanadkii hore dhoofisay Hilib qiimihiisa lagu qiyaasay $12.6bn, kuwaas oo 0.7 ka mid ah ay yihiin Hilibka ay soo saaraan shirkaddaha gudaha.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay kordhisay xuduudaha Hilibka gaar ahaan Digaaga laga keeno dalka Brazil.

Sanadkii 2016 dowladda Brazil ayaa wadamada dibada u dirtay 853,000 oo maraakiib hilib sida ah.

Markii fadeexadaasi ay soo baxday inkabada 150 wadan oo ay ka mid yihiin, Midowga Yurub, Japan iyo qaar kamid ah dunida Muslimka ayaa Hilibka Digaaga ee laga keeno dalka Brazil joojiyay in dalkooda lasoo geliyo, waxaana ugu danbeeyay wadanka Imaaraadka iyo Sacuudi Arabia oo si wadajir ah u joojiyay.

Wadamo badan oo African ah oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa waxaa la sheegaa in faydhoorkooda dhinaca hubin Hilbaha ka yimaada dalka dhibadiisa in ay liitaan, sida uu aaminsanyahay Abuubar Mubaarak Cabdala oo ka mid ah Qubarada ku taqasuusay dhinaca Cunada ama (Food technology).

Dhinaca kale Abuubar Mubaarak Cabdala, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in hay’addaha faydhoorka ee dawada iyo cuntada ay baaraan una kuurgalaan waxyaabaha kasoo degaya dekaddaha dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia