4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2017
Beesha caalamka oo soo dhaweysay qorshaha dhismaha gudiga amniga Qaran ee Soomaaliya

Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Bayaan ay wada jir u soo saareen dowladaha dowladaha iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, ,AU, ,IGAD ,EU, Talyaniga Ethiopia, Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan, ayaa lagu taageeray go’aanka madaxda dowladda Soomaaliya ee dhismaha gudiga amniga Qaranka.

Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee QM Micheal Keating ayaa sheegay in arintaan ay horey u sii dhaqaajinayso geedi u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo aasaaska soo celinta amaanka dalka Soomaaliya.

Gollahan leysku raacay dhismihiisa ee amniga Qaranka ayaa waxaa hogaamin doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale sheegay sheegay in ay beesha caalamka sii laba jibari doonto taageerada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo siyaasada.

Madaxda Qaranka ayaa sidoo kale kulankoodii labada cisho uga hadlay xaalada bani’aadannimo ee dalka jirta gaar ahaa abaarta oo sameynta adag ku yeelatay dad iyo duuniyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]