4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Wasaaraddaha dowladda

 

Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah wasaaraddaha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa uu kormeeray Xaruunta wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha oo ay si wadajir ah u deganyihiin Wasaaraddaha Haweenka, Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah shaqaallaha wasaaraddaha, waxaana dhinaca kale warbixinno uu ka dhegeystay masuuliyiinta wasaaradahaas.

Kormeerka Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu la xiriiray u kuurgalidda howsha shaqo ee wasaaradahaas iyo hubinta xaaladdaha Shaqo iyo Shaqaale.

Ra’iisalwasaaraha X.F.S oo la hadlay Shaqaalaha Wasaaradahaas ayaa ballan qaaday in ay mushaaraadkooda ay si joogta ah u heli doonaan, taas badalkeedana looga baahan yahay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan.

09-kii bishan April, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan xiliga shaqada shaqaalaha dowladda ay bilaabaneyso iyo xiliga ay dhamaaneeyso.

Wareegtadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay shaqada u bilaabaneyso siddeeda subaxnimo (08:00), lagana bixi doono Afarta iyo barka galabnimo (04:30), sida waafaqsan qod. 26aad ee xeerka shaqaalaha Lr.11.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in ujeedka loo adkeeyay jadwalka shaqada ay tahay ilaalinta barnaamijka xukuumadda iyo sida hay’addaha dowladda ay u fuliyaan adeegyada bulshada.

Tan iyo bur-burkii Soomaaliya ma jirin nidaam qeexaya jadwalka shaqada ay bilaabaneyso iyo xiliga ay ku egtahay, waxaana midaasi dhibaato xooggan ku qabay dadka adeegyada u doonta xafiisyada dowladda.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia