4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Saaxiibada caalamka oo walaac ka muujinaya dhismaha maamul cusub oo laga sameeyo gobolka Hiiraan

 

Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle kadib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.

Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan in ay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.

Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan. Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada.iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.

Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan. Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.

Akhriso Qoraalka oo ku qoran Afka English –ka

International partners express concern over reported efforts to create new federal member state in Hiiraan region

The United Nations, the African Union, the European Union, the Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States are closely following developments in HirShabelle following the announcement by the State Assembly that it had impeached President Ali Abdullahi Osoble on 14 August. While noting that Mr. Osoble disagreed with the impeachment process, Somalia’s international partners urge all parties to continue the efforts to address this important matter through the established constitutional and legal means and to refrain from any actions that could undermine the consolidation of the state building process.

Considering the substantial political and material investment made in the state formation process and the ongoing capacity building efforts, international partners are particularly concerned about the reported attempts to form a separate federal member state in the Hiiraan region. Unilateral steps that have no legal basis and which are detrimental to the ongoing state formation and stabilization efforts are not helpful and are a cause for concern.

International partners call upon all parties to adhere to the applicable legal framework, the HirShabelle Constitution and the established parliamentary processes. The partners stress the importance of preserving the political stability that is essential to further progress in the state building process and in deepening federalism in Somalia.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]