4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Taliska Mareykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) – Weerar duqeyn ah oo ay geysteen diyaaradaha Drone –ka dalka Mareykanka oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka Baay ayaa la sheegay in lagu dilay saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka oo war ka soo saaray weerarkan ayaa sheegay in uu dhacay Subaxnimadii Taladaada shalay.

Anthony Falvo oo u hadlay AFRICOM, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxaa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]