4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Magaalladda Muqdisho waxaa maanta ka furmay Mashruuc dib-u-dejin loogu sameynayo Barakacayaasha

 
Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta daah-furay mashruuc ku kacaya 50 million, kaas oo dib-u-dejin loogu sameynayo Barakacayaasha ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mashruuca ayaa la sheegay in xal-loogu raadinayo dib-u-dhiska iyo xal u helida dadka ku barakacay gudaha dalka ee loo yaqaano IDPs.

Mashruucan waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Yurub, waxaana dhawaan laga fulinayaa Magaalladda Muqdisho.

Mudane Thaabit Cabdi, ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu dadaal badan ku bixiyay qorshahan haddan lagaaray xiligii wax laga qaban lahaa Dhibaatooyinka haysta barakacayaasha Magaalladda.

Mashruuca maalgelinta wuxuu u badnaan doonaa waxbarida Carruurta Barakacayaasha, awoodsiinta dumarka aan hadli karin iyo in shaqooyin loo abuuro dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wakiillo ka socday hey'addaha UNDP iyo hey’adda u qaabilsan UN-ka xaaladaha deg-deg ah ayaa ka warramay qaabka loo hirgelin doona Mashruuca Maalgilinta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia