4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddo muhiim u ah Magaalladda Muqdisho

 

Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalladda Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada hormarta Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye gaar-ahaan aga-gaarka tiirka cadaaladda ee Degmada xamar jajab.

Waddada la dhagax-dhigay ayaa muddo bur-bursaneeyd islamarkaana isticmaalkeeda dhibaatooyin ay ku qabeen gaadidka iyo bulshada.

Munaasabadda goobta dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada Gobolka, Maamulka Degmada xamar Jajab iyo qeybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Degmada xamar Jajab ee Gobolka Benaadir Cabdi Wali Cabdullahi Maxamed ayaa maamulka gobolka Banaadir uga mahad celiyay mashruuca lagu dhisaayo wadadani.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in dhismaha waddada ay tahay mid muhiim u ah isku xirka garoonka Aadan Cade iyo qeybaha Magaalladda Muqdisho.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia