4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2017
Mahad Salaad : Dowladdii aan ka midka ahaa iyo Itoobiya marnaba kama wada hadlin arinta ONLF

 

Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) – Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu soo hadal qaaday warbixin maanta ka soo baxday shirkii gollaha wasiirada Soomaaliya ayaa beeniyay in marnaba dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh iyo Itoobiya ka wada galleen heshiis la xiriira ONLF.

Gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa fadhigoodii maanta la hor keenay nuqulka heshiisyo ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Ethiopia 7-dii June 2015-kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay wasiirru dowlihii madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad ayaa sheegay in heshiiskaan marnaba quseynin labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin uu ahaa oo kaliya wada hadal iyo heshiis u dhaxeeyay dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug.

‘’Anaga markii aan tagnay Itoobiya saraakiisha Itoobiya waxaa ay inoo sheegeen in dadka xadka ka dagaalamaya yihiin wax ay ugu yeereen UBO iyo Al-shabaab, annaga waxaan u sheegnay in arintaa ay qalad tahay oo la doonayo in lagu marin habaabiyo dhibaatada dadka deegaanka loo geystay oo meeshaa ka dhacday, sidaa daraadeed waxaan ka wada hadalnay in leyska kaashado deegaankaas amnigiisa cid kasta oo ka tirsan labadaas qolo ee la sheegayna [UBO iyo Al-shabaab] meel looga soo wada jeesto ee ma aheyn arin quseysay ONLF iyo wax kale oo la mid ah’’ ayuu yiri Mahad Salaad.

Warka ka soo baxay xukuumada Soomaaliya ayuu ku sheegay Mahad Salaad mid lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed isaga oo ku tilmaamay dowladda ma fashilantay.

‘’Aritan waa mid ay doonayaan in ay qiil uga dhigtaan qaladkii ay iyagu galleen, annaga iyo Itoobiya marnaba meel aan ONLF iyo arimaheeda uga wada hadalnay ma jirto’’ ayuu yiri Mahad Salaad.

Inkastoo sida uu sheegay Mahad Salaad marnaba aan heshiiskaa lagu soo qaadin ONLF ayaa haddana dhinaca kale waxaa uu qiray in lagu heshiiyay in leyska kaashaado dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo UBO oo ay Itoobiya ugu taqaanno ONLF.

‘’Markii aan is hor fariisanay annaga waxaan tusnay liiska dadkii lagu dhibaateeyay deegaanka iyaga ayaa soo hadal qaaday UBO, laakiin annaga ujeedkeenu waxaa uu ahaa in aan kala hadalno dhibaatada deegaanka ka jirta’’ ayuu yiri Mahad Salaad.

Mar la weydiiyay in madaama uu ahaa xildhibaan Qaran la oran karo heshiiskaas waxaa uu ku matalayay dowladda dhexe ayuu yiri Mahad Salaad’’ Anniga waxaan halkaa tagay anniga oo matalaya dadka deegaanka Ugaaska iyo  guddoomiyaha gobolka Galguduud oo nagu wehlinayay socdaalka waxaan aheyn dhamaanteen dad hal beel ka soo jeeda qodobada heshiiska ku qoranna dhamaatood waxaa ay quseeyeen deegaanka iyo gobolka uu dhibku ku dhacay ee marnaba ma quseyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Lama oga go’aanka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaadan doonaan go’aanka ka soo baxay xukuumada Soomaaliya fadhiga ugu soo horeeya maalinta Sabtida ah todobaadka danbe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]