Dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay Qalbi-Dhagax xubin Argagixiso oo khatar ku ahaa amniga dalka
Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) – Kaddib
kulan saacado badan qaatay oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha
gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax ahaa xubin Argagixiso oo khatar ku ahaa amniga dalka.
Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar
Cismaan Yariisoow oo markii uu kulan soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa
sheegay in dowladda Soomaaliya ku saxneyd ku wareejinta Itoobiya Qalbi-Dhagax,
madaama ayuu yiri uu qatar ku ahaa amniga Soomaaliya iyo kan qaarada intaba.
Wasiirka Yariisoow, ayaa sidoo kale sheegay in u gacan-galinta Itoobiya
shaqsigan ka tirsnaa Ururka ONLF uu qeyb ka ahaa heshiis ay horay u gaareen dowladdii uu madaxweynaha ka
ahaa Xassan Sheekh Maxamuud iyo Itoobiya , isaga oo intaa ku darray in
heshiiskaa uu dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay Mahad Salaad oo waqtigaa
ahaa wasiiru-dowlihii madaxtooyada.
Sidoo kale shirkii gollaha wasiirada ee maanta ayaa la horkeenay heshiis la
saxiixay 2dii May 2016 oo ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda
Federaalka Ethiopia kaasoo dhigayay in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la
dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo
xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay wasiirkii
hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo
Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.
Ugu danbeyntii goolaha wasiirada ayaa isku raacay qodobada :
1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka
geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta
dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka
Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad
ka dhigtaan.
2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal
sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah
amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna
la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.
3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon
ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan
Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan
tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia,
Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada
Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.
4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay
Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala
saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo
tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada
noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga
labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada
dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir
ahna ula dagaalamaan”.
5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya
gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay
dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.
6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad
oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex
abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya
falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.
7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa
Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii
galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada
Sharci ee dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]